Waaradda dhalinyarada iyo Isboortiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa amartay in la joojiyo Ciyaaraha iyo tartamada ka socda Gobolka Banaadir iyo dowlad Goboleedyada dalka ka jira sababo la xiriira Cudurka halista ee Coronvirus.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka dhalinyarada iyo Isboortiga Xukuumadda Khadiijio Maxamed Diiriye ayaa waxaa dhamaan bahda Isboortiga dalka la faray inay joojiyaan qabasha Ciyaaraha noocaydooda kala duwan laga bilaabo maalinta berri oo ay taariikhdu tahay 19-ka bishaan Maarso ilaa muddo 15-maalmood.
Qoraalka Wasaaradda dhalinyarada iyo Isboortiga ayaa waxaa lagu sheegay in Ciyaaraha loo joojiyay, iyada oo la raacayo fariinta iyo awaamiirta Madaxda dowladda Federaalka, kuwaasi oo la xiriira ka hortega Cudurka halista ee Coronvirus.
Hoos ka Akhris Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda dhalinyarada iyo Isboortiga .