Dhageyso:- Xisbiyada Mucaaradka oo kulan Deg deg ah ka yeelanaya xaaladda Somaliland

Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in meeshii ugu xumeyd ay mareyso xaaladda Somaliland islamarkaana ay kulan ka yeelan doonaan xibiyada mucaaradka ee Somaliland.

Isaga oo ka hadlayay xaaladda Somaliland ayaa sheegay in Somaliland ay marayso marxalad aan laga filayn in Somaliland ay tegi doonto taas uu sheegay in wel-wel ay gelinayso xisbiyada iyo shacabka.

Dhnaca kalana waxa uu sheegay in labada Xisbi siyaasadeed ee mucaaradka ee ka jira Somaliland in ay yeelanayaan kulan deg deg ah oo dhacaya maalinta sabtida ah ee soo socota isaga oo intaas kusii daray in ay go’aano kazoo sarai doonaan quseeya xaaladda Somaliland.

Halkaan Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media