Jubbaland oo War kasoo saartay Go’aanadii kasoo baxay Shirkii Garoowe

Dowlad Goboleedka Jubbaland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Islamaa Axmed Madoobe ayaa cadeysay mowqifkeeda ku aadan Shirkii wadatashiga Puntland oo shalay lagu soo Gaba-gabeeyay Magaalada Garoowe.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay inay siweyn u taageersan yihiin qodobadii la soo baxay Shirkii wadatashiga Puntland oo socday muddo saddex maalmood ayna ka galeen wafdiga ka socdya dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Jubbaland ayaa goloyaasha dowladda Federaalka, saalileyda siyaasadeed ee dalka iyo Beesha ugu baaqday in laga faa’iideysto Shirkii wadatashiga ahaa ee Puntland isugu yeertay Madaxda dowladd iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media