Madaxweyne Farmaajo oo Maanta Kormeeray Qaar Ka Mid ah Barakacayaasha Muqdisho (Sawirro)

Madaxweynaha jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta kormeeray xerooyin barakac oo ku yaala magaalada Muqdisho, isagoo ukuur galayey xaaladaha dadka barakacayaasha ee soo gaaray Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa booqday barakacayaasha ku jira xerada ku taala Sayidka ee ku dhow madaxtooyada, waxaana madaxweynu dadkaasi uu gaarsiyey Baco ay roobka uga gabaadsadaan, waxaana uu xog wareystay qaar ka mid ah barakacayaasha oo dowladda ka codsaday gargaar.

Muqdisho waxaa ku sugan barakacayaal ka soo hayaamay Abaarta oo soo maciin biday nolosha Muqdisho, islamarkaana dhibaatooyin dhinaca nolosha ay ku heystaan Muqdisho.

Halkaan hoose ka Daawo Sawirrada:

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media