Maamulka gobolka Hiiraan oo dowlada iyo shacabka ka codsaday in loo gurmado dadka ay saameyen faatahadaha

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed hagar ( Dabaged) oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa ka codsaday dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed iney gurmad la gaaran dadkii ay saameyen fatahadii uu sameeyay wabiga Shabeelle.

Gudoomiyaha waxa uu sheegay in shacabka reer Beledweyne ay imminka la daala dhacayan dhibaatoyin xoogan oo ka soo gaaray fatahaada saameysay magaalada.

Fatahaadaha ayaa saameyay goobihii ganacsiga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan sida dadka deegaanka ay sheegayan.

Wabiga Shabeelle ayaa hore ugu fatahay xaafado badan oo ka tirsan magaalada Beledweyne waxaana halkasi ka dhashay dhibaatooyin badan oo soo gaaray dadka deegan magaalada oo inta badan u barakacay deegaanka Ceel Jaale ee duleedka Beledweyne.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor