Waa hubaal marka ay Labo Hoggaamiye Qaran kulan yeeshaan inay Ajendayaasha ay ka wada hadlayaan yihiin kuwo salka ku haya Xiriirka Labadooda iyo Danaha Khaaska ee Dadkooda iyo Dalalkooda.
Dowladda Sacuudiga oo ka mid ah dalalka ugu hodansan Caalamka ayaa waxa walaac xooggan ku haya Xasaasiyadda Dowladda Iiraan ee ay isugu ballaarinayso dalalka kaabiga ku haya Gacan-biyoodka Baab Al-mandab, waana qoddobka Koowaad ee Maamulayaasha Sacuudiga ku khasbay inay faragelin ku sameeyaan Dagaalka ay Maleeshiyadda Xuutiyiinta ka wadaan gudaha dalka Yemen.
Dowladaha Sacuudiga iyo Iiraan waxaa ka dhexeeya Loolan dhan kasta ah, inkastoo uu khilaafkooda haatan ku salaysan yahay Dagaalka sokeeye ee ka socda dalalka Syria iyo Yemen, haba ugu darnaadee dagaalka Yemen.
Sannadkii hore, Dowladda Sacuudiga waxay Shirar la yeesheen Madaxda dalalka Somalia, Jabuuti, Ethiopia iyo Eritrea, si ay uga hortagaan Khatarta Dowladda Iiraan.
Waxaa la asaasay Isbahaysi Milliteri oo ay ku mideysan yihiin dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka, waxaana la dejiyey Istaraatijiyad mideysan oo looga hortagayo inay Iiraan galaangal Milliteri ku yeeshaan Badda Cas oo ah Marin-biyoodka ay inta badan Maraakiibta shidaalka ka gudbaan.
Dowladda Sacuudiga waxay indhaha ku haysa Isbedelka Xilliga Kala-guurka Siyaasadda ee Somalia iyo Walaaca Tooska iyo midka Dadban ee ay Dowladda Iiraan ku yeelan karto Dowladda cusub ee Somalia.
Iyadoo laga ambaqaadayo Walaacaasi, waxay Dowladda Sacuudiga door bideen inay Madaxweynaha cusub ee Somalia casuumaan, si ay u miisaamaan Qorshihiisa Siyaasadda iyo Aragtida uu ka qabo Xiriirka Diplomaasiyadeed ee Iiraan la lahayd Somalia, kaasi oo la jaray sannadkii hore.
La-taliyayaasha Madaxda dalalka Gacanka Carabta ayaana ku baaqay in boorka laga jafao Dareenka Iiraan-diidka iyo in Madaxda cusub ee Somalia lala wadaago Isbahaysiga Milliteri ee Sacuudiga, oo ay Somalia xubin ka tahay, inkastoo aysan Ciiddan Somali ah qeyb ka ahayn Isbahaysigaasi.
Dareenka ugu weyn ee Dowladaha Gacanka Carabta, gaar ahaan Sacuudiga iyo Imaaraadka qabaan ayaa ah inay Dowladda Iiraan dhaqaale badan ku bixiyaan si ay galaangal ugu yeeshaan inay Jaal la noqdaan Soomaalida, lana soo celiyo Xiriirkii Diplomaasiyadeed.
Baraaruga Dowladda Sacuudiga ee xilligan ayaana loo aanaynaa Tuhunka inay Dowladda Iiraan saamayn ku yeesheen Doorashaddii dhawaan ka dhacday Somalia, waana qoddobkaasi waxa soo dedejiyey in Madaxweyne Farmaajo lagu casuumo dalka Sacuudiga.
Xeeldheerayaasha ayaa tilmaamay inay Dowladda Sacuudiga horey 4 milyan oo Dollar u siisay Dowladdii Federalka, kadib, markii ay Dowladda Iiraan u jareen xiriirkii Diplomaasiyadeed.
Diplomaasiyiinta Carabta ayaana rumeysan in loo baahan yahay in Madaxda cusub ee Somalia lagu adkeeyo Heshiiska, lagana hortago in dib loo soo celiyo nooc kasta oo Xiriirkii Iiraan amaba laga kireeyo Saldhig Diyaaradeed ama Deked.
Sirdoono Reer Galbeed ah ayaa rumeysan inay Dowladda Iiraan dadaal ugu jirto Is-faham ay la gaaraan Dowladda cusub ee Somalia, si loo caadiyeeyo Xiriirka Diplomaasi, Ganacsi, Amni ee labada dal.
Dareenka Sacuudiga ku qoonsatay Dowladda Iiraan ayaa weli ah Khatar Taagan, una baahan yahay inay Dowladda cusub ee Somalia ka helaan Ballanqaad Iiraan-diid ah, si ay Sacuudiga taageero Dhaqaale oo aan xadidnayn ku taageeraan Dowladda Cusub.
Waxaa kaloo isa soo taraya hadal-haynta lagu sheegayo in Dowladda iiraan si dadban ugu lug lahayd Doorashadii Madaxtinimadda ee Somalia, waxaana la tilmaamaa inay gacan 3-aad dhaqaale loo soo marsiiyey ugu yaraan dhowr Murashax, kuwaasi oo u adeegsaday Ololihiisa Doorashadda Madaxtinimadda Somalia ee lagu kala baxay bishan February 8-dii.
Lama shaacinin Murashixiinta dhaqaalaha Iiraan ku galay Doorashadda, balse, waxaan shaki ku jirin inuu Murashax kasta uu ku tiirsanaa Dowlado, Hay’addo Caalami, Shirkado ama Ganacsato oo ka taageerayey Kharajkaku baxay Ololaha Doorashadda.
Si kastaba ha ahaatee, Galaangalka Milliteri ayaa ah mid muuqda, iyadoo ay Ciiddanka Caalamiga ee joogta Badda Cas iyo Badweynta Hindiya dhowr jeer qabteen shixnado Hub oo ay iiraan u soo dirtay Somalia iyo Yemen.
Xuquuqda Warbixinta waa mid khaas u ah Radio Dalsan
©Radio Dalsan