Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta ayaa Maanta oo khamiis ah kulan aan caadi aheyn ku yeeshay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Kulanka Golaha Wasiirada oo uu shir Guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa looga hadlay Arrimo kala duwan iyo Ansixinta magacaabida Taliyaha cusub ee hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka.
Golaha Wasiirada Xukuumadda ayaa ansixiyay Magacaabista Taliyaha Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA oo loo magacaabay Mahad Maxamed Salaad oo ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka.
Mahad Salaad oo sidoo kale kamid ah xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa 5-tii sano ee lasoo dhaafay kamid ahaa Mucaaradkii dowladdii uu hoggaaminayey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Xilka Taliyaha Hay’adda NISA ayaa maalmihii dambe banaanaa, iyadoo horey uu xilkaas si KMG ah ugu hadlaayay Yaasiin Farreey oo ka tirsan Golaha Shacabka, waxaana xilkaas uga sii horreeyay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo saaxiib dhow la ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.