Wararka naga soo gaaraya deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in uu ka dhacay dagaal beeleed geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Inta la xaqiijiyey ilaa Saddex Ruux ayaa ku geeriyootay halka 5 kale ay ku dhaawacmen kadib markii laba Maleeshiyo beeleed ay ku dagaalameen deegaanka Olol oo qiyaastii 35km u jira Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.
Dadkaan ayaa iskuheysta dhulalka deegaankaas taas oo keentay in ay wada dagaalamaan sida ay Dalsan u sheegen dad ku sugan deegaanka Olol ee Gobolka Galgaduud.
In kastoo saakay dagaal uusan jirin ayaa hadana waxaa lagu soo waramayaa in ay saakay jirto xiisad u dhaxeysa labada maleeshiyood oo weli iskuhor-fadhiya deegaankii lagu dagaalamay ee Gobolka Galgaduud.
Masuuliyiinta Maamulka Galmudug weli dagaalkaas kama hadlin,iyada oo dhowr mar ay ku fashilmeyn in dadkaasi dagaalamaya ay nabad kala dhex-dhigaan.