Maamulka Jubbaland ayaa ammaro waxa uu ka soo saaray kala iibsiga dhulalka ee Magalada Kismaayo Xarunta Gobolka Jubbada hoose akdib markii ay soo bateen bilihii la soo dhaafay isqabqabsi dhanka dhulalka ah.
Shirkii Khamiislaha ee Golaha Wasiirada Jubbaland ayaa intiisa badan waxaa looga hadlay dhibaatooyinka ka dhashay iibsiga dhulaka,iyada oo la mamnuucay in lagala iibsado dhulalka Magalada Kismaayo.
Wasiirka Warfaafinta Maamulka Jubbaland Cabdi Nuur Cali Aadan ayaa sheegay in Maanta laga bilaabo an la iibin Karin dhulalka ku yaalla Magalada Kismaayo,isla markaana Maamulka Jubbaland uu mamnuucay.
Waxa uu ugu baaqay Shacabka Magalada kismaayo in dhaqaalo iyo waqti aysan iska gelin dhulalkaas.
Sikastaba Jubbland ayaa dhowr mar ammaro lagu mamnuucato iibsasahda Magalada dhulalka Magalada Kismaayo soo saartay in kastoo aysan dhaqan gelin balse lama ogaan karo waxyaabaha ammarkaan uu  kuwii hore kaga duwanaan karo.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Warfaafinta Maamulka Jubbaland Cabdi Nuur Cali Aadan.