Dhageyso:-Soomaaliland oo markii ugu horreysay ka hadashay booqasho uu masuul ka tirsan dowladda Somalia ku tegay Lowya-cadde

Maalma ka hor deegaanka lowya-cadde oo u dhaxeeya Xadka Maamulka Soomaaliland uu la wadaago dalka Jabuuti waxaa booqday Agaasimaha Hay’adda Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Maxamed Aadan(koofi) balse waxaa booqashadaas beeniyey Maamulka Soomaaliland.

Warbaahinta dowladda iyo Baraha Bulshada ayaa lagu soo bandhigay Sawirrada Agaasime Koofi oo ku sugan deegaanka Lowya-cadde laakin Soomaaliland ayaa sheegtay in aan waxba ka jirin oo la iska dhahay.

Taliyaha Waaxda Socdaalka Maamulka Soomaaliland ayaa sheegay in Xaduudkooda ay ku sugan yihiin Ciidamadooda iyo masuuliyiin ka socda laanta Socdaalka Soomaaliland,isla markaana uusan imaan Karin masuul ka socda Dowladda Soomaaliya oo uu sheegay in ay kala dhaxeyso isjiid-jiid Siyaasadeed.

Waxa uu sheegay in Wararka sheegaya in Agaasimaha Hay’adda Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya uu ku yimid deegaanka lowya-cadde uu yahay mid la iska sheegtay taasina aysan suurtagal aheyn.

Xilliga uu tegayay Agaasime Koofi deegaanka lowya-cadde ayaa waxaa la socday masuuliyiin ka tirsan dowladda Jabuuti,isaga oo kormeeray Xarumaha ay Hay’adda Socdaalka dalka Jabuuti halkaasi ku leedahay.

Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha Waaxda Socdaalka Maamulka Soomaaliland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media