Xuutiyiinta oo markii 4-aad Daroon ku weeraray Garoon ku yaalla Sacuudiga

Maleeshiyadda Xuutiyiinta ee dalka Yemen waxay saakayto Diyaarad Daroon oo laga buuxiyey waxyaabaha qarxa ku weerareen Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee magaalladda Abha oo ku yaalla Koonfurta Sacuudiga.

Telefishinka Kooxda Xuutiyiinta ee Al-masirah ayaa shaaciyey in Diyaarad Daroon lagu weeraray Garoonka Abha ee Sacuudiga, waana weerarkii 4-aad ee ay Kooxdaasi la beegsadaan Garoonkaasi hal Toddobaad gudihiisa.

Dowladda Sacuudiga weli maysan xaqiijinin weerarka ay Xuutiyiinta sheegteen inay saakayto ku qaadeen Garoonka Abha.

Kooxda waxay kaloo Sabtidii la soo dhaafay sheegteen inay Diyaarado Draoonis ah ku weerareen Labo Graoon oo ku kala yaalla magaallooyinka Abha iyo Jizaan ee Koonfurta Sacuudiga.

Sidoo kale, Arbacadii la soo dhaafay, waxay Kooxda Xuutiyiinta gantaal ku garaaceen Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Abha ee Sacuudiga, halkaasi oo ay 26 qof ku dhaawacmeen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media