Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Maanta kulan muhiim ah yeelanaya

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in kulankoodii caadiga ahaa ay ku yeeshaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 17-Bisha June 2019, ayaa waxaa uu yahay akhrinta 1-aad wax ka bedelka Sharciga Iibka Qaranka.

Xalay ayaa waxaa Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya lagu wargeliyay in Maanta uu jiro kualnka,isla markaana laga doonayo inay ka soo qeyb galaan.

Kulankii Golaha Shacabka ay yeelan lahaayeen Maalintii Sabtida aheyd ee la soo dhaafay ayaa waxaa uu u baaqay sababo la xiriira Kooram la’aan,hayeeshee kulankooda Maanta ayaa saacadaha soo socda ka furmaya Magaalada Muqdisho.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media