Xukuumadda Cusub ee DDSI oo ka hadashay Dagaalka Soomaalida iyo Oromada

Xukuumadda cusub ee Dawlad Deegaanka Soomaalida ayaa sheegtay in ay qorshaha koobaad u qaateen wax u qabashada dadka Soomaalida ah ee ku soo barakacay colaadaha qawmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ee dalka Itoobiya.

Xeryaha qaxootiga ee Qolaji oo kali ah waxa ku nool dad kor u dhaafaya toban kun oo Soomaali ah oo colaadahu soo baro kiciyeen, sida uu BBC u sheegay wasiirka ka hortagga iyo xakamaynta musiibooyinka ee deegaanka Soomaalida Maxamed Faatax Maxamed.

Colaadahan ayay dad badan kaga kala dhinteen Soomaalida iyo Oromada ka dib markii ay dabo dheeraadeen.

Xukuumadda Faderaalka ah ee Itoobiya ayaa dhawaan ballan qaaday in ay soo afjari doonto colaadda, balse dilka iyo barakicinta ayaa wali sii socota.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor