Gudoomiye kuxigeynka Siyaasada iyo maaliyadda maamulka Gobolka Hiiraan Abuukar Abdullahi Maadey iyo Taliyaha Saldhigga Booliska degmada Beledweyne Maxamed qoorsheel ayaa ku baxay sidii loo joojin lahaa dagaal beeleedyo dirir ah khasaaro dhaliyay oo laba beelood ku dhex martaydeegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.
Maleeshiyaadkaan hubeysan ayaa ku dagaalamay tuulada Banaaney ee hoos tagtamagaalada Beledweyne kana mid ah degaanada dhanka waqooyin ee magaalada ayigoona ku guuleystay joojinta xiisadahaas.
Isku dhacaan ayaa waxa ka dhashay dhacay 1 qof iyo in la gubo beero lana dumiyo guryo, Taliyaha iyo Gudoomiye kuxigeynka ayaa Bulshada u sheegay in qof waliba oo wax tabanayo uu yimaado Saldhiga Booliska Degmada Beldweyne iyo maxkamadaha ka dhisan Gobolka iyo Degmada si dadka loogu kala saato sharciga.