Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay geerida Wasiir Xoosh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan qoyskii uu ka baxay Wasiirka Arrimaha Dastuurka Marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ku geeriyooday magaalada Dubai.

Madaxweynaha ayaa yiri “Innaalilaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Waxaan aad uga naxay geerida Wasiirka Arrimaha Dastuurka Marxuum Cabdi Xoosh. Marxuumku wuxuu laf-dhabar u ahaa xukuumadda haatan jirta isaga oo gacanta ku hayay hawlaha qabyo-tirka Dastuurka. Wuxuu ahaa shakhsi aqoontiisa qareennimo iyo hawl-karnimadiisa ugu khidmeeyay Qaranka xilliyo kala duwan.”

Madaxweynaha ayaa faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in Aaska Qaran ee Wasiirka loo saaro guddi ka kooban Golaha Wasiirrada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Alle uga baryay marxuumka inuu jannadiisa Fardawsa ku abaal mariyo, sabar iyo iimaanna ka siiyo Qaranka, qaraabada iyo qoyska uu ka baxay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media