Wasiirada qorsheynta DFS iyo dowlad gobaleedyada oo ka shiray arrimo muhiim ah

Wasiirka wasaaradda Qorsheynta iyo hormarimta dhaqaalaha dalka Amb Gamal Mohamed Xasan ayaa  guddoomiyay shirka golaha hormarinta qaranka kaasi oo ay ku mideysanyihiin Wasiiradda qorsheynta dowlad goboleedyada iyo wasiirka qorsheynta qaranka oo ay marti galisay wasaaradda Qorsheynta Galmudug, waxaana Shirka goobjoog ka ahaa wasiiradda Qorsheynta dowladd Gobaleeedyada iyo madaxda Wasaaraddaha.

Shirka ayaa looga hadlay dar-dargalinta  qorshaha horumarinta qaranka, Xoojinta wada shaqeynta wadaaradaha, mashruuca fulinta mashruuca ILED  iyo fulinta unukyada muhiimka ah ee dalka muhiimada u leh, Sida wax ka qabashada abaaraha, fataahadaha iyo xal u helinta barakacayaasha.

Shirka ka horeeyay ayaa ka qabsoomay magaalada muqdisho kaasi oo lagu ansaxiyay qorshaha horimarinta qaranka diyaarintiisa oo dowladda Soomaaliya wadatashigiisa soo waday muddo Sanad ah kaai oo si ballaaran wadatashi lagala yeeshay ummadda Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka.

Wasiirka wasaaradda qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha Amb. Gamal Mohamed Hassan oo furay shirka ayaa soo dhaweeyay wasiirada Qorsheynta Galmudug iyo Hirshabeele oo ah labo qof oo dhawaan loo magacaabay xiliga.

Sidoo Wasiir jamaal ayaa bogaadiyay dadaallada Shaqada socota oo ay ka mid tahay fulinta qorshaha horumarinta qaranka, fulinta ILED, isla markaana In xoogga la saaro wax ka wada qabashada arrimaha fataahadaha oo qabyo ka mid ah Koonfur galbeed ka dhacday.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan isugu nimaano kulaan waxaana loo baahanyahay inaan inaan iska kaashanayo sidii aan wax uga qaban laheyn marxalada adag ee haatan ka taaganyahay Golaha shabeellaha dhexe iyo shabeellaha Hoose gaar ahaan Afgooye oo ka barakaceen inta badan qoysaskii ku noolaa” ayuu yiri wasiir jamaal Maxamed Xasan.

Golaha hormarinta qaranka waa mid ay sedexdii bil ay mar isugu yimaadaan Wasiirada qorsheynta dowlad goboleedyada iyo wasiirka qorsheynta dowladda dhexe waxaa Shirka Gabagabadiisa laysla qaatay Xoojinta tiirarka qorsheysan oo mihiimka u ah dalka sidoo kale waa kii ugu horeeyay oo ay yeeshaan tan iyo markii cudurka safmarka ah ee covid-19 dalka soo galay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media