Sarkaalka ka tirsan Qasriga Madaxtooyadda ee Villa Somalia ayaa u sheegay Radio Dalsan inay rajo wanaagsan ka qabaan in lagu guuleysan doono Dacwadda la xiriirta Milkiyadda Xuduud-baddeedka ee ay kula jiraan Dowladda Kenya.
Sarkaalka oo codsaday inaan magaciisa la shaacinin waxa kale oo uu ka hadlay Kharajka ilaa iyo haatan ku baxay Arrimaha Dacwadaasi oo maanta ka furantay Xarunta Maxkamadda Garsoorka Caalamiga (ICJ) oo ku taalla magaalladda Hague ee dalka Holland.
“Ilaa Afar milyan iyo labo boqol oo kun oo Dollar ayaa lagu kharaj gareeyey muddadii ay socotay Adeegyadda dhinaca Sharciga Dacwadaasi” ayuu yiri Sarkaalkaasi.
Hadalkiisa ayaa waxay ku soo beegantay iyadoo Ergadda Soomaalida ee loo xil-saaray Dacwadda Maxkamadda ICJ ay wehliyaan Qareeno Caalami iyo La-taliyayaal Soomaali ah.
Qareenadda Caalamiga ee difacaayo Dacwadda Muranka Xuduud-Baddeedka ay kala yihiin:-
- Paul Reichler oo u dhashay Maraykanka,
- Qareen Allain Pellet oo u dhashay Faransiiska,
Dhinaca kale, Dowladda Kenya ayaa iyadana soo kireysatay Qareeno Caalami ah oo difaaca Dacwadda Kenya ee ay ku sheeganayso Milkiyadda Badda Somalia.
Kooxda Qareenadda Shisheeyaha ee Kenya u matalayo Dacwadda ka socoto Maxkamadda ICJ waxaa ka mid ah:-
- Kariim Axmed Khaan oo u dhashay Britain,
- Payam Akhavan oo u dhashay Maraykanka,
- Mathias Forteau oo u dhashay Faransiiska iyo
- Amy Sandares oo u dhashay Britain.
©Radio Dalsan