Xoghayaha Joogtadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Kenya, Karanja Kibicho ayaa ku dhawaaqay inaysan ka laba-labayn doonin go’aanka lagu xirayo Xerada Dhadhaab oo ay ku jiraan qiyaas ahaan 350.000 oo Qaxooti badankooda ka yimid Somalia.
“Xerada Dhadhaab waxaa la xiri doonaa bisha November 30-da” ayuu yiri Mas’uulkaasi oo intaasi ku daray in Qaxootiga Soomaalida lagu celinayo dalkooda hooyo.
Xoghayaha Joogtadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Kenya, Karanja Kibicho waxa kale oo uu sheegay inay jiraan Dowlado danaynaya inay qaabilaan qaar ka mid ah Qaxootiga Soomaaliyeed, halka kuwa kaleena lagu celin doono dalkooda hooyo.
Dhinaca kale, Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda UNHCR u jooga Kenya, Wella Kouyou ayaa sheegay in sannadkan oo keliya dib loo celiyey in ka badan 18,000 oo Qaxooti Soomaali ah.
Waxa uu intaas ku daray inay UNHCR si dhow ula shaqeyn doonaan Dowladaha Kenya iyo Somalia, si loo xaqiijiyo in la celin doono Qaxootiga iskooda u go’aansda inay dib ugu laabtaan dalkooda Hooyo.
©Radio Dalsan