Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa gaaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yariisow) oo la socday wafdigii uu hogaaminayay Madaxweyne Farmaajo oo shalay gelinkii dambe halkaasi gaaray.
Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in maamulka Gobolka Banaadir aan lagu Casuumin shirka Wadatashiga ah ee Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamu Goboleedyada dalka isugu yeeray Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.
Shirarkii amniga qaranka ayaa waxaa horey uga qeyb geli jiray maamulka Gobolka Banaadir,hayeeshee iyadoo Shirkan lagu Casuumin ayaa Madaxweyne Farmaajo waxaa ku adkeeysanayaa in Shirka uu qeyb ka ahaado,isla markaana xog ogaal u noqdo arrimaha Shirka looga hadlayo.
Shalay Magaalada Garooweย ayaa Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyeย waxaa uu kulamo gooni gooni ah kula qaatay Madaxweyne Saciid Deni iyo qaar kamid ah Madaxda maamul Goboleedyada,isla markaana ku qanciyay in Guddoomiye Yariisow Shirka uu ka qeyb galo,iyadoona dood dheer kadib ay Madxada Oglaadeen in Duqa Muqdisho uu ka qeyb galo Shirarka qaar ay Madaxda yeelanayan.
Madaxweyne Farmaajo ka qeyb galka maamulka Gobolka Banaadir ee shirka Garowe ka dhigtay arrin lagama gudbaan ah, iyadoo tani ay xoojineyso mowqifka taageerayaasha dowladda Federaalka ee shirka oo hadda noqonaya labada maamul goboleed iyo Gobolka Banaadir.
Shirkan Maanta ka furmaya Magaalada Garoowe ayaa Arrimaha sida gaarka ah looga hadlayo waxaa ka mid ah arrimaha Dastuurka, gaar ahaan qodobada u baahan xal siyaasadeed, wadashaqaynta dawladda federaalka iyo dawlad goboleedyada iyo u diyaar garowga doorashooyinka guud ee dalka.