Iyadoo ay Dowladda Pakistan isbuucii ugu dambeeyey ku sugan tahay Xafiiska ayaa waxaa la shaaciyey in bisha July 25-da la qaban odono Doorashadda Guud ee dalkaasi.
Madaxweynaha dalkaasi, Ma’muun Xuseen ayaa iclamiyey Taariikhdaasi, sida ay sheegeen Saraakiisha Doorashadda ee dalkaasi.
Barlamaanka iyo Xukuumadda dalkaasi waxay xilka ka degi odonaan bishan May 31-da, iyadoo la magacaabi doono Ra’isul-wasaare iyo Maamul KMG, kuwaasi oo xilka hayn doona xilliga Kala-guurka.
Maamulkaasi KMG ma laha awood ay go’aan ku samayn karaan, balse waxay ilaalo ka qaban doonaan Doorashadda Guud, ilaa laga soo dooranayo Dowlad cusub.