Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad goboleedka Galmudug ayaa hadalkaas sheegay xilli shalay uu dib ugu laabtay Cadaado,waxa uuna sheegay in Baarlamanka Galmudug uu yahay kii horay u jiray,isla markaana Shacabka Galmudug ay dhisteen.
Waxa uu sheegay in waqtigaan la hareer maray Dastuurkii u yaallay Galmudug,isla markaana Baarlamaanka Galmudug sidii uu horay u iclaamiyey Madaxweyne Farmaajo uu ku Shaqeyn doono Magalada Cadaado.
“Waxaan diin cadeyneyna in aanan aqoonsaneyn baarlamaan aan aheyn kii Galmudug ee Cadaado lagu dhisay,waana kii ehystay dastuurkii in ka badan 800 oo Ergo ay ansixisay,iyo Dastuurka rasmiga ah ee dowlad goboleedka Galmudug,Anagana ma ogolaan doono DAstuurka khilaafsan Dastuurka dowladda Soomaaliya ayuu yiri Cali Gacali Casir.
Sikastaba 26-kii Bishii Maarso ee Sanadkaan ayaa munaasabad ka dhacday Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug waxaa lagu mideeyey baarlamaanada Galmudug iyo Ahlusunna kuwaas oo gaaraya ilaa 178 Xildhibaan,waxana Maanta diiday oo kasoo horjeestay guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.
Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad goboleedka Galmudug.