Bayaankooda waxay ku muujiyeen inay Taageersan yihiin Ehelladda dadkii ku geeriyooday Qaraxyadii bishii October 14-dii iyo 28-keedii ka dhacay magaalladda Muqdisho  oo ay ku geriyoodeen ugu yaraan 358 qof, kuna dhaawacmeen 228 kale.
Barlamaanka Europe, waxay kaloo Qoraalkooda walaac kaga muujiyeen Xaalladda Cunto-yarida ee ka jirta Somalia, iyago osheegay inay 3 million oo qof ku nool Xaalladda Ammaanka ee Cuntadda.
Waxay ka digeen inay arrintaasi la mid noqoto Macluushii qeybo ka mid ah Somalia ka dhacday sannadkii 2011-dii.
Dhinaca kale, Xildhibaanadda Barlamaanka Europe waxay ugu baaqeen Dowladaha ku jira Midowga Europe inay DFS ka taageeraan sidii loo xajiin lahaa Maareynta Maaliyadda Qaranka iyo sidii loo dhamaystiri lahaa Dib-u-eegista Dastuurka Qaranka.
Xildhibaanadda Barlamaanka Europe waxay kaloo sheegeen in Kheyraadka Dabiiciga ee Somalia loo adeegsado in lagu maalgeliyo Dagaalladda, waa sida ay hadalka u dhigeen, waxayna ugu baaqeen Guddiga QM ee Cuinaqabataynta Hubka ee saaran Somalia inay adkeeyaan mamnuucista Dhuxusha laga dhoofiyo Somalia.