Faah faahin: Mas’uul ka tirsanaa Maamulka Puntland oo lagu dilay Magaalada Gaalkacyo

Wararka aan ka heleyno Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhanka xigta Puntland ayaa waxaa ay sheegayaan in fiidnimadii xalay halkaasi lagu dilay mid kamid ah shaqaalaha Wasaaradda Maaliyada dowlad Goboleedka Puntland.

Rag ku hubeysan Bastoolado ayaa rasaas dhowr ah qeybaha sare ee jirka uga dhuftay Mas’uulka ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyada Puntland, kaasi oo lagu magacaabi jiray C/raxmaan Maxamed Cabdi, waxaana falkaas uu ka dhacay xaafad ka tirsan Gaalkacyo.

Kooxihii ka dambeeyay dilka khaarijinta ahaa ayaa durbadii goobta ka baxsaday, waxaana intaas kadib gaaray halka uu dilka ka dhacay Ciidanka ammaamka Magaalada oo bilaabay howlgalo lagu raadinayey dadkii ka fuliyey falkaas oo heybtooda la garan.

Saraakiil ka tirsan Laamaha Amniga Puntland ayaa sheegay inay wadaan weli howlgalka, isla markaana aysan jirin weli cid loo soo qabtay dilkii xalay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug loogu geystay Marxuum Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi.

Gaalkacyo oo labada dhinac ay kala kala maamulaan Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa marar kala duwan horey loogu dilay mas’uuliyiin, Saraakiil Ciidan iyo Nabaddoono, Al-shabaab ayaa sheegta dilalka loo geysto mas’uuliyiinta iyo saraakiisha ciidan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor