Xildhibaanada Somaliland oo Maanta kulan xasaasi ah yeelanaya

Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ayaa Maanta oo Axad ah waxaa lagu wadaa in kulan aan caadi aheyn  ku yeeshaan Xaruntooda kulamada ee Magaalada Hargeysa ee Caassimadda maamulkaas.

Ajendaha kulankaas Golaha Wakiilada ayaa waxaa uu yahay Ansixintia labada xubnood ee Guddida doorashooyinka ee xisbiyadda Mucaaradka Somaliland ee UCID iyo Waddani, kuwaasi oo horey loo diiday ansixintooda.

Wariyeyaal ku sugan Magaalada Hargeysa ayaa soo sheegaya in kulanka Golaha Wakiilada Somaliland uu  si rasmi ah u furmi doono saacadaha soo socda, iyadoo Xarunta kulamada Golaha uu ka sodo diyaar garoow.

Golaha Wakiilada Somaliland ayaa 28-kii bishii Maarso 2020 waxaa ay diideen ansixinta xubnaha ay Xisbiyada Wadanni iyo UCID u soo magacaabeen Doorashooyinka Somaliland, iyagoo xiligaas waayay Codkii ay ku ansixi lahaayeen Golaha.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media