Ruushka oo beeniyay Eedeyn kulul uu u jeediyay Mareykanka

Ruushka ayaa eed uu Mareykanka u soo jeediyey ee ku saabsan inuu howlgeliyey maleeshiyaad xiriir la leh Taalibaan oo laaya ciidamada Mareykanka iyo kuwa Nato ee Afghanistaan ku sugan, ku tilmaantay mid aan sal iyo baar toona lahayn.

Wargeysyada New York Times iyo Washington Post ayaa daabacay warbixinno ay ku sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan dalka Mareykanka iney shegeen unugyo ka titsan sirdoonka milatariga Ruushka xiriir la leh iney sanadki hore ay isku dayayeen iney Yurub ka fuliyaan dilal qorsheysan.

Safaaradda Ruushka uu ku leeyahay dalka Mareykanka ayaa sheegtay eeddaasi iney waxyeelleyso xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal.

Ururka Taalibaan wuxuu sida oo kale uu beeniyey heshiis noocaasi inuu la galay sirdoonka dalka Ruushka.

Warbixintan ayaa imaneysa xilli uu Mareykanka uu doonayo inuu heshiis nabadeed uu ku soo afjaro dagaalka 19-ka sano ka socday dalka Afghanistaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media