Xarunta Villa Hargeysa oo ay ku shaqeeyaan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa Goor dhow lagu wadaa inuu ka furmo kulanka Maanta ay si wadajir ah u yeelanayaan Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka.
Xarunta ayaa waxaa goorsii horreeysay xaadiray oo gudaha u galay Xildhibaanada lagu soo kala doortay Magaalada Ceelwaaq iyo Garbaahaarey Gobolka Gedo, iyadoo weli aysan jirin xal laga gaaray is qab-qabsiga ka dhashay doorashooyinkii ay kusoo baxeen Xildhibaanadaas.
Xildhibaanada lagu soo doortay Garbaahaarey oo Sawirro iska soo qaaday ayaa baraha Bulshada ku faafiyey, iyaga oo dhex fadhiya Xarunta Villa Hargeysa, halka kuwo kalena oo la hadlay warbaahinta ay sheegeen inay si sharci ah ku fadhiyaan Xarunta Golaha.
Ajendaha kulanka Xildhibaanada labada Aqal ayaa waxaa uu yahay doorashada xubnaha Guddiga isku dhafka labada Aqal Baarlamaanka 11-aad ee qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha 1-0aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa laga sugayaa inuu Go’aan ka gaaro Xildhibaanada lagu soo kala doortay doorashooyinkii ka kala dhacay Magaalooyinka Ceelwaaq iyo Garbaahaarey Gobolka Gedo.