Xildhibaanada koonfur Galbeed oo ka Laabtay Mooshin ay ka keeneen Shariif Xassan

Mudanayaasha baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay dib ula laabteen Mooshin dhawaan  ay ka ka keeneen madaxweynaha maaulkaas Shariif Xassan Sheikh Aadan, waxaana mudanayaashu ay tilmaameen inaan loo baahneyn xiligaan Mooshin, ee loo baahanyahay in loo gurmado dadka ay saameeysay Abaarta ee ku nool deegaanada maamulkaas.

Qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa warbaahinta u sheegay inay madaxweyne shariif Xassan ay  kala hadleen sidee loogu shaqeen lahaa shacabka dagan deegaanada uu ka arimiyo maamulka Koonfur Galbeed loo guna Gurman lahaa.

Xildhibaan Cabdikariin Maxamed Iftin ayaa ka hadlay sababta ay xildhibaanadu uga laabteen Mooshinkii ay ka keeneen madaxweynaha maamulkaas.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media