DHAGEYSO: Madaxweynaha Jubbaland oo ku baaqay in laga War sugo waxqabadka ay la’imaan doonaan wasiirada cusub  

 

Axmed Maxamed Islaam (Axmed madoobe) madaxweynaha maamulka Jubbaland oo ka hadlaayey golaha wasiirada cusub ee Taladadii aanu soo dhaafnay uu ku dhawaaqay ra’isul wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa sheegay inay muhiin tahay in lala shaqeeyo xukuumada, si loo garab istaago dowladda cusub.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay inay wanaagsantahay in lagu qanco wasiirada la magcaabay, oo uu tilmaamay inaysan waxba soo kordhineyn eed iyo is jiijiid yimaada lagana horyimaado xukuumada cusub.

Axmed madoobe waxaa uu ugu baaqay Shacabka inay ku qancaan wasiirada cusub oo aanay Fiirin shaqsi,  kana fakiraan oo kaliya danaha dowladnimo ee dalka, islamarkaana ay ka War sugaan waxqabadka ay la’imaan doonaa wasiirada magcaabay.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media