Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkoodu dhammaaday ayaa Maanta kulan aan caadi aheyn ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.
Ajendaha kulanii Maanta ay yeesheen Xildhibaanada ayaa waxaa uu ahaa ka doodista Mooshinka doorashooyinka Qaranka oo dood dheer ay ka yeesheen Xildhibaanda Golaha Shacabka.
Xildhibaanada Baarlamaanka ee muddo xileedkoodu dhammaaday ayaa ansixiyay sharci gaar ah oo jiheynta doorashooyinka heer Federaal oo ah doorasho qof iyo Cod ah, waxaana Xildhibaanada ay ku coddeeyeen gacan taag.
Mooshinka ayaa waxaa u codeeyay oo ogolaatay 143 Xildhibaan halka ay diideen 3 Xildhibaan, waxaana ka aamusay 1 Xildhibaan kaliya, isla markaana waxaa natiijada ku dhawaaqay Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.
Sharcigan ay ogolaadeen Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa qodob kamid ah dhigayaa in la qaato nidaamka doorashada tooska ah ay qabanayaan Guddiga doorashasa Qaranka, taa oo lagu qabanayo mudo laba sano ah.