Xildhibaan Daahir Amiin Jeezow oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ka deyriyey xaalada dadkii ka barakacay Magalada Baladweyne eek u sugan duleedka Magaladaas iyo kuwo awoodi waayey in barakacaan.
Xildhibaanka ayaa sheegay in kuwii barakacay iyo kuwa weli Baladweyne ku haray ay yihiin kuwo isugu mid ah dhibaatada,sigaar ah dadka ku nool ayuu sheegay Xaafada Howl-wadaag ay dhibaatada ugu daran ay heysato.
“dadkii deganaa baladweyne badankood weey barakaceyn dhibaatada taalla baladweyne iyo goobaha kale ee dadku aaden waad yaabeysaan xaqiiqatan arrintaasi waa dhibaato aan la yareysan Karin cunto maheystaan biyo maheystaan,aniga ayaa indhaheyga ku arkay Carruur Cunto looga dhigaayo maqaar inta la kariyey ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeezow.
Shacabka Soomaaliyeed iyo Madaxda Dowladda Soomaaliya ayuu ugu baaqay in Shacabka uu saameeyey fatahada Wabiga Shabeelle in ay gurmad la gaaraan.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Xildhibaanka oo dhameystiran.