Maanta oo Sabti ah ayaa la filayaa in Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Golaha Shacabka ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshaan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kadib laba Maalin ah oo ay nasasho ku jireen.
Xildhibaanada ayaa lagu wargeliyay in kulanka Maanta ay xaadiraan, waxaana la sheegay in Ajandaha kulanka uu noqon doono Akhrinta Koowaad ee Hindise Sharciyeedka Tirakoobka Qaranka.
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in ay haatan u diyaar garoobayan ka qeybgalka kulanka Baarlamaanka Soomaaliya.
Sharciyo dhowr ah in ay ka doodaan  ayaa weli horyaalla Baarlamaanka 10,aad ee Sooamaliya iyada oo horay ay u ansixiyeen Sharciyo dhowr ah.