Howlgalkaan ayaa yimid kadib markii xalay Kooxo hubeysan ay degmadaasi Afgooye ku dileen ruux la sheegay in uu ka mid ahaa Shacabka degmadaas.
Nin ku hubeysnaa Bustoolad ayaa lagu soo waramayaa in qofkaas Shacabka ah uu toogtay, oo lagu magacaab jiray Maxamed Geeseey ibraahim iyada oo aan la ogeyn sababta uu u dilay ninkaas.
Saakay wararkii u dambeeyay ee nasoo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Maamulka Degmada Afgooye ay wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay dilka qofka Shacabka ah.
Dadka degmada qaarkood ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in ninka la dilay uu ka mid ahaa dadka degmada isla markaana aysa garaneyn sababta loo dilay.
Afgooye ayaa waxaa horay uga dhacay dilal kala duwan balse xiriir aan la sameynay Maamulka degmadaas si aan wax uga weeydiino dilalka ku soo laab laabtay nooma suurtagelin.