Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo geeriyooday

Magalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya waxaa ku geeriyooday Allaha u Naxariistee xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka  Dowlad Goboleedka Galmudug.

Xildhibaanka ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Xassan Maxamed Axmed (Xasan Caarad),waxaana mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ay xaqiijiyeen in uu Magalada Nairobi ku geeriyooday.

Sidoo kale Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Xassan Maxamed Axmed (Xasan Caarad) oo ka mid ahaa Baarlamaanka Galmudug.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor