Dad ku dhintay Shil Gaari oo ka dhacay Magalada Muqdisho

Shilkaan oo khasaaro dhimasho ah geystay ayaa waxa saakay uu ka dhacay degmada Waaberi gaar ahaan inta u dhaxeysa labada bundo meel u dhow Baar ha I dhaafin.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in Gaari nooca Xamuulka qaado ah iyo Gaari kale oo yar ay isku dhaceen,kadib markii Gaariga nooca Xamuulka qaado ah uu fariin goostay.

Inta la xaqiijiyay hal Ruux ayaa shilkaasi Gaari ku geeriyooday,waxana saakay mudo daqiiqado ah hakad galay isku socodka Gaadiidka,isla markaana shilkaasi sabab uu u ahaa.

Inta badan Magalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhaca shilal,kuwaas oo waxyeelo ay kasoo gaarto dad Shacab ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor