Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay Bandow la sheegayo in lagu soo rogi doono Magaalada Muqdisho si loo yareeyo faafida Cudurka halista ah ee Coronavirus.
War qoraal ah oo uu kusoo qoray Xildhibaan Mahad Salaad bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in Muqdisho ay muddo saddex sanno la daalaa dhacaysay jidad xiran iyo cuuryaamin dhaqaale, haatanta aysan aheyd in loogu daro Bandow.
Waxaa uu sheegay Xildhibaan Mahad Salaad in hadii Bandow lagu soo rogo Caasimadda ay halis aan ka yarayn mida Cudurka Covid 19 ku keeni karto nolosha dadka muruq maalka ah.
“Magaalada Mogadishu muddo sadex sano ah ayay la daalaa dhacaysaa jidad xiran iyo cuuryaamin dhaqaale, in maanta loogu daro bandow dhinac walba ah waxay halis aan ka yarayn mida cudurka Covid 19 ku keeni kartaa nolosha dadkaan muruq maalka ah!” ayuu yiri Xildhibaanka.
Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu kula taliyay in ay dib ugu laabtaan tilaabooyinka nuucaan oo kale ah, isla markaana lana helo qaab kale oo badqabka shacabka iyo nolasha dadkeena danyarta ah loo wada ilaalin karo.