xiisadan ayaa waxa ay timid kadib markii la isku qabsaday guri ay laheed Allaha u naxariistee marxuumad Xaawo Cawaale Abti-doon (Xaawo Yareey) oo aheed haweyneedii ugu horeesay ee gabar Soomaaliyeed ee noqota xildhibaan kuna yaala aga-gaarka madaxtooyada Soomaaliya la isku dayay in si sharci dara ah laga’la wareego gurigaas sida ay ku doodeen qaar kamid ah ehelada marxuumada.
Gaashaanle Sare Cumar Cabdulle Jacfaan oo shegay inuu yahay sarkaal ka tirsan ciidanka xooga dalka horayna u ahaa gudoomiyihii dagmada Hilwaa oo u waramayay idaacada Dalsan ayaa ku dooday in gurigan ay leedahay marxuumad Xaawo Yareey sidaas daraadeedna ay ka hortagayaan in lagala wareego ilmaha ay dhashay
Halkan hoose ka dhageyoso wareesiga