Madaxweyne Bashaar Alasad oo Wareysi siiyey Telefish laga leeyahay dalka Denmark ayaa sheegay inay Dagaalamayaasha iyo Qoysaskooda ka bixi karaa Aleppo, haddii ay iska dhigaan Hubka.
Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay inuu sii wadi doono dagaalka ilaa ay Dagaalamayaasha ka baxayaan Bariga Aleppo, wuxuuna carrabka ku adkeeyey inaysan jiri Karin Xulasho kale.
Waxa uu Maleeshiyadda iyo Qoysaskooda u tilmaamay inay aadi karaa Degaanka kale ee ay haystaan ee Daraaya, wuxuuna dhanka kale u sheegay Janaraaladiisa waqtiga ay Maleeshiyadda ku aqbali karaan Cafiska loo fidiyey.
Cafiskaasi ayaa yimid labo isbuuc oo ay duqeymo culus ka socdeen Bariga Aleppo, halkaasi oo lagfu dilay boqolaal ka mid dadka ku go’doonsan magaalladaasi.