Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa War kasoo saaray natiijada kasoo baxday Shirkii Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada dalka ay ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb.
Qoraal kasoo baxay Xisbiga Wadajir ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay natiijada wejiga labaad ee shirka Dawlada Federaalka ah iyo dawlad Goboleedyada, wuxuuna Xsibiga ugu baaqay Madaxda inay si wadajir ah loogu istaago ka mira dhalinta wejiga sedexaad.
Sidoo kale Xisbiga Wadajir ayaa waxaa uu boggaadiyay in Madaxda ay ku heshiiyeen in Doorashada dalka ku dhacdo waqtigii loogu tala-galay, isla markaana la isla gartay in uusan jirin muddo kororsi.
Xisbiga Wadajir ee C/raxmaan C/Shakuur ayaa Madaxda dowladda Federaalka iyo M/Goboleedyada ugu baaqay inay dedejiyaan dhismaha Guddiga farsamo ee kasoo tala-bixinaya hanaanka Doorashada, ayna la yimaadan daacadnimo iyo niyad wanaag.
Hoos ka Akhriso Qoraalka Xisbiga Wadajir uu soo saaray.