Wasaaradda Gaashaandhigga ee XFS ayaa warbixin ka soo saartay taageerada dowladda Maraykanka ee iskaashiga istiraatijiyadeed ee ay la leedahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira dagaalamayaasha Al-Shabaab.
War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda ayaa waxa marka hore lagu sheegay in maalgelinta Mareykanka ku sameeynayo ciidanka xoogga gaar ahaan kuwa DANAB uu yahay mid abuuray awood ciidan oo horseed u ah howlgalada lagula daaalamayo Shabaabka.
Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in shaqada laga joojiyey saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo ku lug yeeshay musuq lagula kacay saadka ciidanka kumaandooska DANAB gaar ahaan raashiinka ka dib baaritaano la sameeyey.
Dhinaca kale warar isi soo taraya ayaa sheegaya in Dowlada Mareykanka ay hakisay raashinkii ay siin jirtay Ciidamada gaarka ah ee DANAB, dowladda ayaa xustay inay socdaan baaritaano kala duwan oo ku aadan saadka la lunsaday.