Xasan Sheekh oo ku Eedeyay Farmaajo Hurinta Colaado iyo Burburinta Federaalka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dowladiisa ku eedeeyay inay ka shaqeeyeen hurinta Colaado iyo burburinta Nidaamka Federaalka.

Xasan Sheekh oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in Madaxweyen Farmaajo uu doonayo inuu sameeysto muddo kororsi aan aheyn midkii shalay sheegtay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil Xaliimo Yareey.

Waxaa uu sheegay in Madaxda dalka aan marnaba laga aqabi doonin muddo kororsi, wuxuuna aad u dhaliilay hadalkii kasoo yeeray Guddoomiye Xaliimo Yareey ee ahaa in aysan xiligaan qaban karin doorasho qof iyo Cod ah oo waqtigeeda ku dhacda ayna u baahan yihiin 13-bilood.

Isaga  oo sii hadlaayay Xasan Sheekh ayaa waxaa uu Carabka ku dhuftay in muddo kororsi Madaxweynaha Kaliya uusan dooneynin, hayeeshee u wada baahan yihiin Xukuumadda, Golaha Shacabka, Golaha Aqalka Sare, Guddiga Doorashooyinka iyo Guddiyo kale.

Madaxweyneyaashii hore Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa dhowr jeer Madaxda dowladda ee haatan talada dalka heysa uga digay inay muddo kordhin sameeystaan, iyagoona  xusay in arrintaas marnaba aysan aqbali doonin.

Comments
Loading...