Mid kamid ah Dowladaha Afrika oo Madaxweyne Cusub yeelatay

Hogaamiyaha mucaaradka ee dalka Malawi, Lazarus Chakwera, ayaa Axadda maanta ah loo dhaariyay inuu noqdo madaxweynaha cusub ee dalka Malawi ka dib markii Sabtidii lagu dhawaaqay in uu ku guuleystey doorashadii madaxtinimada ee ku celiska aheyd ee dalkaasi ka qabsoontay.

Tani ayaa ka danbeysay ka dib markii bishii February ee sanadkan ay maxkamadi waxba kama jiraan ka soo qaaday doorashadii madaxtinimada ee Malawi ka dhacday bishii May ee sanadkii 2019-kii, taasi oo madaxweynaha xilka banneynaya, Peter Mutharika, ku sheegtay guul uu mar labaad dalka ku sii hogaamiyo.

Chakwera, oo 65 jir ah, ayaa helay aqlabiyaddii loo baahnaa, iyadoo guddiga doorashooyinku ay sheegeen inuu helay 58.57% codadkii dadweynaha ee la dhiibtay Salaasadii la soo dhaafay kana guuleystay madaxweyne Mutharika.

Chakwera ayaa ku guuleystay inuu Malawi oo ay ku nool yihiin 18 milyan oo qof uu ka taliyo muddo shan sanadood ah.

Codeyntan ayay falanqeeyeyaashu u arkayeen in ay tahay imtixaan ku wajahan awoodaha maxkamada Africa ay u leeyihiin la tacaalidda wax isdaba marinta doorashooyinka, iyo xakameynta awooddaha madaxda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media