Dagaal yahano ka tirsan Alshabaab la sheegay in weerar khasaaro geystay ay ku qaadeen Saldhig Ciidamada Booliska Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Yumbis ee gobolka Gaarisa ,iyada oo halkaas uu ka dhacay dagaal culus.
Dagaalkaan ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan Alshabaab weerar gaadmo ah ay ku qaadeen Saldhigga ciidanka Kenya isla markaana halkaas uu ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Goobjoogayaal ayaa Warbaahinta u sheegay in ay maqlayeen dhawaqa rasaas aan kala go’ laheyn oo ay isku adeegsanayeen ciidamada Kenya iyo dagaalamayaasha Alshabaab,iyada oo khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac uu soo kala gaaray labada dhinac.
War kasoo baxaya Alshabaab ayaa looga hadlay dagaalkaan waxaana ay tilmaameen in ay ku dileen 6-askari 10- kalana ay ku dhaawaceen oo ka tirsan ciidamada Kenya ee weerarka ay ku qaadeen.
Dhinaca kalana ma jirto wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada Kenya ee ku aaddan khasaaraha ka dhashay weerarkaas Alshabaab ay ku qaadeen Saldhigga ay ku leeyihiin deegaanka Yumbis.