Madax kala duwan oo ka qeyb gashay munaasabad sagootin ah oo ka dhacday Dhuusamareeb

Munaasabadda Lagu Sagootinayey Madaxdii iyo Wufuudii kasoo qeybgashay Shirweynaha Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ayaa xalay lagu qabtay Magaalada Dhuusamareeb.

waxaa munaasabaddan kasoo qeyb-galay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Kheyre, Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Puntland Saciid C/lahi Deni, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha KGS Mudane Cabdul-casiis Xasan laftagareen, Madaxweynaha Hir-Shabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare.

Sidoo kale, madashaan waxaa goobjoog ka ahaa Xubnaha ka tirsan Golleyaasha Fullinta iyo sharci dejinta ee heer qaran iyo dowlad goboleed iyo qeynaha bulshadda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media