Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Magaalada Dhuusamareeb Kulan kula qatay Wasiirada Dastuurka Dowladaha Xubnaha Ka ah Federaalka, iyo Wasiirka Dastuurka Dowladda Federaalka ah Ee Soomaaliya,waxaana kulankaas looga hadlay arrimo kala duwan.
Kulanka oo ahaa salaan iyo xog Wareysi la xiriira arrimaha dhameystirka Qabyo qoraalka Dastuurka Dalka, iyadoo Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya uu sharaxaad ka bixiyay dadaalada iyo Qorshayaasha Wasaaradda Dastuurka iyo halka uu marayo qorshaha dib u eegista halka uu marayo.
Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku booriyay dhammaan masuuliyiinta uu kulanka la qaatay in lasii dar-dar geliyo howlaha hor tebinta u leh shacabka Soomaaliyeed.
Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa lagusoo gebagebeeyay shirkii madaxda dowladda iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda fedraalka Soomaaliya waxaana madaxweynayasha dowlada gobaleedyady ay kulamo gooni gooni ah la qaateen wufuuddii kala duwanaa eek a qeyb gashay shirka.