Weerar dhimasho dhaliyey oo lagu qaaday Hotelka International Village ee Bosaaso

Hay’addaha Ammaanka ee Puntland ayaa sheegay inay rag hubeysan weerareen Hotelka International Village oo ku yaalla K/galbeed ee magaalladda Bosaaso.

Dagaalamayaal la sheegay inay ka tirsan yihiin Alshabaab ayaa waxay Waaberigii hore ee saakayto weerareeen Hotelkaasi, iyagoo dilay 4 ka mid ah Ilaaladdii joogtay Albaabka weyn ee laga soo galo Hoteelka.

Wararka hordhaca ee aynu helnay ayaa sheegaya inay raggii hubeysnaa gudaha u galeen Hotelkaasi oo ay inta badan seexdaan Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland.

Warar ayaa sheegaya in Guddoomiyihii hore ee Gobalka Bari, C/samad Maxamed Galaan ka mid yahay Mas’uuliyiintii uu weerarku ku qabsaday Hoteelkaasi.

Qaar ka mid ah Saraakiisha Ammaanka ee Maamulkaasi ayaa sheegay inay Ciiddanka dileen 2 ka mid ah kooxihii weerartay Hotelka, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Warar kale ayaa sheegaya in ay dhowr ka tirsan Dagaalamayaasha weli ka dhex dagaalamayaan gudaha Hotelka,  isla markaana  la maqlayo Tacshiirad.

Xaallad jahwareer ayaana weli ka taagan nawaaxiga Hotelka, iyadoo lagu arkayo Ciiddamo iyo Tekniko fara badan oo lagu soo xoojiyey Ilaaladda Hotelka.

La soco wixii ku soo kordha Dhacdadan

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media