22 Murashax Madaxweyne ayaa saacado kadib waxay guda-geli doonaan Loolanka Kursiga Madaxweynaha ee dhowrka bilood la naawilayey.
Murashixiinta ayaa u muuqda kuwo si Shaqsi-shaqsi ah u tartamayo, inkastoo la sheegay inay inta badan Murashixiinta samaysteen Isbahaysi ku kooban xilliga ay Doorashaddu socota.
Murashixiintaasi ayaa isku raacay inay codadkooda ku taageeraan Murashaxa ay u arkaan inuu codad badan ka helayo Cod-bixinta.
Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inaysan Doorashadani noqon doonin mid si sahlan lagu kala bixi doono, wuxuuna Murashax kasta Taagtiisa iyo Tabartiisa isugu geeyey si uu ugu najaxo Doorashaddan oo ku soo beegantay Xilli Xasaasi ah.
Waana hubaal in Murashax kasta u arko Doorashadda mid ku xiran Waayihiisa Siyaasadda iyo inuu noqon doono Hoggaamiye lagu aaminayo Xilka Qaranka iyo Mustaqbalka Dadka iyo Dalka.
Murashixiinta waxaa la qorsheynayaa inay maanta isugu tagaan Hoolka Doorashadda ee Xeradda Afisiyoone, si ay uga war dhowraan Cod-bixinta 329-Xildhibaan ee ka tirsan BFS, kuwaasi oo loo idmaday inay Madaxweyne cusub doortaan.
Hawlwadeeno Khibrad leh ayaa loo xil saaray Ilaalinta Nidaamka iyo Anshaxa Cod-bixinta, waxaa la xadiday Dhaqdhaqaaqa guud ee Madasha, waxaana Murashixiinta laga mamnuucay inay Mobayladda iyo qalabka Elektorooniga la soo galaan Hoolka dhexdiisa iyo inay Olole Cod-raadin ah la dhex qaadaan Xildhibaanadda codeynaysa.
Waa hubaal in Doorashaddan ka duwan tahay Doorashaddii 20116-kii ee uu isku dhex yaaca badan ka jiray, waxaana suurto-gal inay qaar ka mid ah Murashixiinta Madaxweyne saluugaan shaqada Xoghaynta Guddiyada Doorashadda iyo Hawlwadeenadda kale ee loo idmaday Ilaalinta Nidaamka Doorashadda.
Hiyi-kaca xamaasadaysan iyo Niyad-jabka Murashixiinta ayaana la dareemi doonaa marka la bilaabo Tirinta Codadka ama lagu dhawaaqo Natiijadda hadba Wareegga la marayo.
Xilligaasi ayaana ah Waqtiga ugu adag ee aan Murashixiinta la xakamayn karin, waxaana macquul ah in la arko Buuq, Far isku-taag iyo Ficilo kale oo xasaasiyad abuuri kara.
Xildhibaanadda codka bixinaya ayaa iyagana u baahan in si khaas ah loo maareeyo, iyadoo laga duulayo inay dhacaan Falal wax u dhimi kara Sugnaanshaha Cod-bixinta iyo Natiijadda Doorashadda.
Si kastaba ha ahaatee, Murashax kasta oo Madaxweyne waxaa uu Filan karaa in la doorto ama uu Daadku qaado, illayn waa tii horey loo yiri Garri labo qof kama wada qosliso.
©Radio Dalsan