War goordhow soo gaaray Radio Dalsan ayaa waxa uu sheegayaa in bam gacmeed Caawa lagu weeraray Saldhiga degmada Wadajir ee gobolka Banaadir oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya.
Warar kale ayaa waxa ay sheegayaan in bam gacmeedka lagu weeraray halka laga dhisayo Xarunta degmada Wadajir oo ku dhow Saldhigga degmada Wadajir.
Lama xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay bam gacmeedkaas,waxaana dadka deegaanka inoo sheegen in bam gacmeedkaas uu ku dhaawacmay nin oday ah oo wadada marayay kaas oo loola cararay mid ka mid ah isbitaalada Magalada Muqdisho.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in gacanta ay Ciidamada booliska Saldhiga Wadajir ku dhigeyn dadkii ka dambeeyey weerarkaasi bambaano.
Waa markii labaad oo bam hacmeedka lagu weeraro Xarunta degmada Wadajir oo uu dhismo ka socdo maadaama xaruntii hore ee uu qaarxa ka dhacay lagas oo wareegay,isla markaana xarun kale loo dhisayo.