Maxay ka wada hadleen Wasiir Beyle iyo Wakiilka Qaramada Midoobay?

Ku-simaha Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaalle Beyle ayaa maanta kulan la yeeshay Madaxda Qaramada Midoobay oo uu horkacayey James Swan oo ah Wakiilka QM ee Soomaaliya, waxay ka wada hadleen arrimaha dhaqaalaha dalka.

Wasiir Beyle ayaa sheegay in si gaar ah ay uga wada hadleen isbadalka iyo horumarka Maaliyadda Soomaaliya, isaggoo xusay in Xafiiska UN ka ee Soomaaliya uu u balan qaaday in ay sii wadi doonaan taageerada bulshada Soomaaliyeed.

“Waxa aan maanta shir muhiim ah la yeeshay Madaxda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo uu horkacayo Mr James Swan wakiilka gaar ka ah ee Soomaaliya. Waxa aan ka wada hadalnay isbadalka iyo horumarka Maaliyadda Soomaaliya, Xafiiska UN ka ee Soomaaliya waa saaxib muhiim u ah horumarka iyo taageerada Dalka, waxa ayna noo balan qaadeen in ay sii wadi doonaan taageerada bulshada Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiir Beyle .

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media