Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) oo ku sugan dalka Itoobiya ayaa Maanta waxa uu la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee dalka Itoobiya ee dhawaan la Magacaabay Abiyi Axmed.
Kulanka ayaa waxa uu ka dhacay  Magaalada Addis Ababa ee wadanka Itoobiya ayaa waxaa Madaxweynaha Jubbaland ku wehlinayay Wasiirka Arimaha gudaha iyo Dowladaha Hoose Maxamed Warsame Darwiish iyo Wasiirka Cadaalada Dastuurka iyo Arimaha diinta Aadan Aw xirsi.
Labada masuul ayaa waxa ay ka wada hadleen xiriirka ka dhaxeeya Dowladda Itoobiya iyo Maamulka Jubbaland iyo sidii loo xoojin lahaa,waxana madaxweynaha Jubbaland uu sheegay in si dhow uu ula Shaqeyn doono Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee dalka Itoobiya Abiyi Axmed.