Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa ku soo bandhigay Barta ay ku leeyihiin Warbaahinta Isku-xirka Bulshadda ee Telegram Account Sawirro muujinaya Muuqaalka iyo Isbedelka ka muuqda Deegaanka Moqo-kori oo ay Ciiddanka Ethiopianka kala wareegeen labo isbuuc ka hor.
War-saxaafadeed ay Xarakaddu soo saartay, laguna baahiyey Shabakadda Wararka ee Radiyaha ku hadla Codka Xarakadda Alshabaab ee Andulus ayaa lagu xusay inay Alshabaab si buuxda u maamulaan Deegaanka Mogo-kori iyo Deegaanadda ku hareeraysan.
Barta Alshabaab ee Aaladda Telgram waxaa kaloo lagu soo bandhigay Calanka Xarakadda oo ka babanaya bartamaha Moqo-kori iyo Dagaalamayaasha oo Ilaalo Roondo ah ku maraya gudaha iyo daafaha Moqori-kori iyo Dagaalamayaasha oo sii adkaynayo Dhufeysyadda Difaaca ee Deegaankaasi.
Dhinaca kale, Shabakadda Wararka ee longwarjournal.org waxa uu maanta qoray inay Dadka deegaanka Moqo-kori xaqiijiyeen inay Xarakadda Alshabaab si buuxda u maamulaan Deegaankaasi, isla markaana ay dib u soo laabatay Nolosha Caadiga, Ammaanka iyo Hawlaha Ganacsiga ee ka jira Deegaankaasi iyo Tuullooyinka ku hareeraysan.
DAAWO SAWIRADDA DEEGAANKA MOQO-KORI OO AY ALSHABAAB MAAMULAAN.
©Radio Dalsan